Salaadiin, odayaal iyo waxgarad kale ayaa soo saaray baaq aad u balaadhan oo ay sheegayaan in aanu ku metelin Buurmadow beeshiisa shirarka uu ka wado dalka dibadiisa., waxay cadeeyeen in aanu ahayn hoggaamiye dhaqameed metela beeshiisa, iyada oo ay yidhaahdeen waxaa xilkii laga qaaday markii shirkii Gar’adag ka dib.
Waxay kaloo ka codsadeen in aanay beelaha dacalada ee Somaliland iyaga oo qiimaynaya, tixgelinaya ama maamusaya oday Cismaan ku soo dhawayn magaca Beesha habarjeco in uu boqor u yahay. Oday Cismaan marnaba kuma hadli karo ayay sheegeen magaca beeshiisa, isaga oo sita Boqornimo.
Shirarka uu Boqorku ka wado Ingiriiska waxaanu u aragnaa kuwo lagu waxyeelanayno midnimada beesha habarjeclo, sidaa waxaa yidhi waxgarad ka soo jeeda beesha habarjeclo. Mar labaadna waxay sheegeen in ay ka codsanayaan shacbiga Somaliland, waxgaradka iyo aqoonyahanka beelaha Somaliland in ay eegaan Go’aankii beesha oo ay soo jeediyeen dhamaan aqoonyahanka habarjeclo ee Cismaan magacooda ku hadli jiray.
Waxaana idiinku soo lifaaqnay qoraalka odayadu ka hadlayaan ee akhris wacan.
Baaq Ka Socda Beesha Muuse Abokor
Ujeedo: Canbaarayin ku wajahan been abuurkii Buurmadow Iyo soo jeedin maamuus ka xayuubin
Anagoo ah waayeelka iyo wax garadka beesha Muuse Abokor ee ku nool qaarada yurub waxaannu halkan ku beeninaynaa waraysigii uu sii daayey cismaan buur madow ee ku wajahnaa inuu burburay shirkii Beelaha H/jeclo ee ka socday degmada Garadag.
Dhamaan hadaladii yaqyaqsiga iyo yalaalugada lahaa ee ka soo yeedhay ninkaasi waa kuwo aan sal iyo raad toona lahayn,isla markaana muujinaya qadarka iyo qiimaha uu qof ahaan leehayay. Allahayow illeyn af aanad laheyn lama qabto.
Beelo walaalo ah oo lakala qeybqeybiyo,been abuur si cad loola badheedho, war aan jirin oo la buunbuuniyo.dilaal iyo malaal lala debed baxo midna ma aha astaan lagu yaqaan beel daaje iyo boqor ummad u taliya toona.
Maxaa ka haboon in aan soo qaadano tuducyo ka mid ah gabaygii gud-gude
Geestayda waa fulay ninkii goob ka saahidaye
Gudoon dhacayna waa doqon ninkii gees u faashadaye
Gobanimo waa quus ninkii gawska dhaafsadaye
Guri ba,ayna waa cadow ninkii aart
Beenaale markhaatigiisuu fogeeya,e waxaannu cadaynaynaa in aanu burburin shirkii beesha uga socday garadag, balse uu keligii buurmadow ka baqoolay baradaa beeshiisu isugu boholyowday .
Beeshan mudanka ah ee uu masabidayo waxa shirka ka saaran masuuliyad dheeraada, maadaama ay hayaan saldanada guud ee beelaha habar-jeclo midaysa, isla markaana lagu maamuusay maamulka iyo marti galinta madasha shirka(garadag).
Hibo eebe ku siiyey illeyn habeen layskama qaado,e haddii ay buur madow caado u tahay ceebna aanu u aqoon turxaan la beero iyo tol la kala tuuro,
MUUSE ABOKOR waa qaran aanay haba yaraatee ka suura geli karin inuu ka dudo ama kala dareersho darka ceelka ay wadaantiisa iyagu dawlinayaan.
Waa wax lagu qoslo inuu buur madow qadaf uga dhigo inay yihiin qaran dumiyayaal,qoorweyntii shalayto isaga qabanaysay markii uu u QABBAANAYEY Cabdillaahi yuusuf,Cadde Muuse,iyo Cali geedi.
Horaa loo yidhi falaadhi gilgilasho kaagama hadho,sidaa darted waxba yaanu dhufays ka dhiganin dhalanteed aan dhab ahayn, iyo shir baa la dhalan gediyey
Ee aashii ha hadlo,ileen waa la ogyahay inuu ahaa isimka qudha ee si badheedha tan iyo bilowgiiba u xusul duubnaa burburinta shirka aan belada wadin ee beelaha Habar jeclo isku bogsiinayaan.
Nin rag ah xurmaa deeqda nacasna xoolaa deeqa,. sidaa darted
• Mar hadii uu buurmadow la marin habaabay milgihii iyo maamuuskii lagu
• muunadeeyey
• Mar haddii uu ku cadaaday dantii maraate loo dalaalimaysto duminta iyo la dagaalanka danaha guud ee ay leeyihiin dadkii uu xilka u hayey
• Mar haddii uu ka door biday masuuliyaddii dumaddiisa saarneyd inuu maddiidin u noqdo isla markaana ku dhex milmo maamulka dowlada.
• Mar haddii quus iyo qanac layska taagay inuu buurmadow qaato talooyinka quman,taasina ay tolkii dhaxalsiisay dheg xumo iyo dhaawac badan.
Haddaba waxaannu ugu baaqaynaa beesha Muuse Abokor in laga yeesho talo degdega Cismaan Buurmadow iyada oo uu mudan yahay in laga xayuubiyo maamuska madaxdhaqameed ee uu xanbaarsan yahay sababaha aanu soo sheegnay owgood.
Waxanu leenahay cimaamadaydu ceeb ma geydo,magacayaguna wax lagu maxaafsado ka weyin ee isaga oo cadaysimo ah cismaan buur madow hayska wato ceelelyada, cosobsiga,caddaloolka, iyo ciyaar gudka siyaasada ee uu calmaday.
Liisaska Beelaha Muuse Abokor.
Liiska Beesha Basanbuur Biciide
1. Mubaarik Hillaah
2. Jibriil Xasan Faarax
3. Dr Salaad Eroobe
4. Maxamed Axmed Kuutiye
5. Abdi Axmed Kuutiye
6. Mustafe Saalax Xasan
7. Adama Abdi Mohamoud
8. Mohamed Ali Billaal
9. Keyse Geele Xidig
10. Ali Geele Xidig
11. Cabdiqaadir Maxamed Jaamac (Carey)
12. C/rashiid Maxamed Axmed Dhegacas
13. Axmed Maxamed Axmed (Dhegaca)
14. Maxamed Axmed Dhegacas
15. Jaamac Ceegaag Warsame
16. Adam Axmed Abdi Derri
17. Maxamed Saalax Raage
18. Axmed Cali Xaaji Xasan
19. Yuusuf Cali X. Xasan
20. Maxamed Axmed Shaaquur
21. Cali Yuusuf Dhegaweyne
22. Mohamoud Jamac Axmed Cade
23. Cabdi Cawed X Ducaale
24. Hamse Mubaarik Maxamed
25. SaidMubaarik Maxamed
26 Maxamed Cabdalle Maxamuud
27. Maxamed Jibriil Xasan#
28. Xasan Jibriil Xasan
29. Xamse Jibriil Xasan
30. Saalax Xasan Kaar
31. Axmed Cabdikariin
Liiska Beesha Axmed Faarax Biciide
32. Chief Caaqil Faysal Abokor Xasan Dhunkaal
33.Maxamuud Raage Ibrahim
34. Eng Jaamac Raage Ibrahim
35. Saalax Maxamed Diiriye
36. Xasan Qaalib Cabsiiye
37. Sh. Abokor Xasan Doondoon
38. Axmed Yuusuf Ducaale (Boos)
39. Ciise Foos Maxamed X. Ducaale
40. C/qadir F Maxamed X. Ducaale
41. Jaamac Maxamed Yuusuf Fidhin
42. Siciid Awcali Warsame
43. Jaamac Yaasiin Bare
44. Siciid Saleebaan Alaale
45. Axmed Yuusuf X Ducaale (Dhigane)
46. C/llaahi Saleebaan Alaale
47. Muuse Cabdi Ayax
48. Mudane Axmed Aadan Cali Goodir
49. Shikh Maxamed Cabdi Cali Goodir
50. Naasir Axmed Aadan Cali Goodir
51. Maxamuud Saleebaan Faahiye Mire
52. C/Rahmaan A. A. Cali Goodir
53. Saciid Maxamed Aadan
54. Dr Cabdi Cabdullahi Dayax Weerar
55. Cabdi Macalin Muuse
56. Axmed Cige Cabsiye
57. C/raxman Axmed Jabane
58. Muuse C/llahi X. Dhunkaal
59. Cali Abokor X Dhunkaal
60. Cali C/llahi X.Dhunkaal.
61. Saciid Ceydiid Jamac Dunkaal
62. C/wahab Muuse Bootaan
63. Faysal Caabi Cabsiiye.
64. Cabdi Xakiim X. Yuusuf Caamir
65. Maxamed Faarax Ciise
66. Xasan Ayaanle Dayaxweerar
67. Cabdi Saleebaan Bare
68. Jaamac Axmed oogle (Caadheboodhe)
69. Axmed Ayaanle Dayaxweerar
Liiska Beesha Reeryonis
70. Maxamuud Xaaji jamac qodax
71. Yassin Xasan cabdillahi
72. Eng Maxamuud xasan Cabdillahi
73. Maxamuud Maxamed Cartan
74. Cabdi dahir Qodax
75. Ismail xaaji Jamac Qodax
76. Maxamed Daahir Qodax
78. Ismail Dahir Qodax
79. Siciid Dhooble Guuleed
80. Saleebaan Siciid Xassan
81. Cismaan Axmed Cali dheere
82. Sahal Axmed cali dheere
83. Faisal Cabdillahi Dahir galaydh
84. Jamac Cabdillahi Dahir Galaydh
85 Salaad gadh-yare
86. Sabriye Saleebaan Diiriye Jibriil
87. Rashiid Sheekh Cali
88. Ismaciil Axmed cabaas
89. Nuux Ismaciil Abyan
90. Maxamed Abokor
91. Sheekh cabdixanaan I Warsame
92. Bashir Tarabi Ogle
93 Xasan Adan Tarabi Oogle
94. Yassin Farax jees
95. Cabdiraxman xaaji jamac qodax
96. Axmed Saleban
97. Cali Warsame Xasan
98. Keyse Jaamac Ducaale
99. Cabdi Dirir Saleebaan
100. Maxamuud Axmed Faarax
101. Saleebaan Maxamed Caraale
102. Maxamuud Xasan C/llaahi
103. Rashiid Axmed Saleebaan
104. Khadar Axmed Ducaale
LIISKA BAHO BICIIDE
105- Cismaan huseen warsame
106- Siciid x. hassan ciid
107-Mustafe omar farah
108-Faarax cilmi cali
109-Cabdi cali faarax
110- Faisal axmad cali
111- Siciid maxamed jaamac
112- Maxamed xusein warsama
113- Mustafa jaamac cabdi
114- Maxamed cabi digaale
115- Cabdi cabi digaale
116- Faisal jaamac cabdi
117- Xusein dimbiil jaamac
118- Mubaarak aadam jaamac
119- Axmad maxamed ducaalee
120- Xusein axmed jaamac
121- Yaasiin jaamac diriiye
122- Cismaan jaamac diriiye
123- Cabdiraxmaan siciid weerax
124- Sulaimaan faarax
125- Siciid weerax
126- Axmad bulaale cigaal
127- Rashiid bulaale faarax
128- Shiina dayuul raageh
129- Mustafa dayuul raageh
130- Ibraahim beleh ibraahim
131- Axmad shilee faarax
132 Shucayb cumar faarax
133- Siciid cumar faarax
134- Farxaan cumar faarax
135- Khadar cilmi cali
136- Cawwal yuusuf meree
137- Khairee aadam rilee
LIISKA UDURUXMIIN
138- Cabdulaahi maxamed cali
139- Ismaaciil barree guli
140- Mursal axmed xusein
141- Cabdiraxmaan axmed cawad
142- Cabdirasaaq guray hadiglee
143- Carraalee hurree xasan
144-Maxamed maxamuud matan
145-Baasha cali sanyare
146- Rashiid sheikh cali duljoog
147- Faarax awyuusuf duljoog
148- Yaasiin cabsullaahi
149-Maxamuud maxamed artan
150-Cabdi daahir qadax
151- Ismaaciil daahir qadax
152-Caydiid xasan artayih
153-Mustafa maxamed xasan
Liiska Beesha Iidle Faarax Biciide
154-Axmed Cilmi Bare Nuur
155-Maxamud C/llaahi Warsame
156-DR Khadar Cilmi Bare
157-Maxamuud Ismaaciil Bare
158-Mursal Axmed Suufi
159-Cabdi Cilmi Barre
160-Ismaaciil Cabdi Cali
161-Eng Saleebaan Salaad
162-Mustafe Saleebaan Salaad
163-Maxamuud Maxamed Axmed
164-Gen. Carab Ducaale Cilmi
165- Rashiid Xasan Ducaale
166- Rashiid Axmed Dhigane
167- M-axamed Rooraaye
168-MUJAxmed Rooraaye
167-C/risaaq Salebaan Muuse
168- Abokor Muuse
169- Ibrahim Maxamed
170- Aadan Maxamed Samagaab
171- Siciid Daahir Barre
172- Axmed Faarax Diiriye
173- Ayaanle Rooble
174- Cawil goox Cabdi Gaas
175- Khaliif Nuur Axmed
176- C/qani Maxamed Xuseen
177- Axmed Maxamed Digaale
178- Jamaal Aadan Yuusuf
179- Cabdiqani Axmed Saciid
180- Daahir Xuseen Nuur
181- Yuusuf Cabdi Diiriye.
182- Maxamuud Xaaji Goox
183- Maxamuud Saciid Ayaanle
184- Saciid Ismacill X.Xirsi
185- Mahad Jaamac Cabdi
186- Maxamed X Cabdulaahi
187- Axmed Xaaji Cabdullahi
188-Mustafe Suldaan Maxamed Cabdiu
189- Cumar Saalax Guray
LIISKA BEEHSA IIDLE BICIIDE
190- DR MAXAMED IIDLE
191-Caaqil siciid cawl cabdi
192- Ibraahim salaad saalax
193- Maxamed Warsame Cali
194- Cali Salaad Saalax
195- Ahmed maxamed warsame
196-Xaashi Faarax Cabdule
LIISKA BEESHA CALI BARE
197- Prof Saleebaan Dirir Cabdi
198- Yaasiin Jaamac Cali
199- Cismaan Ibraahim Shire
200- Axmed Faarax Bulaale
201- Maxamuud Xaashi Cabdi
202- Xasan Faarax Ibraahim
203- Maxamed Ibraahim Olol
204- Aadan Gaas Cabdi
205- Maxamed Axmed Xaashi
206- Aadan Cabdi Ibraahim
207- Xuseen Cali Shire
208- Xasan Yuusuf Ismaaciil
209-Daa,uud Aadan Ismaaciil
210- Yaasiin Faarax Ibraahim
211- Cali Faarax Ibraahim
212- Maxamuud Axmed Cali Shire
213-Siciid Aadan Ismail
214- Ibraahim Aadan Ismaaciil
215- Mustafe Aadan Ismaciil
216- Axmed Maxamed Farabadane
217- Daa,uud CAbdi Ibraahim
218- Ismaaciil Cabdi Ibraahim
219-Mustafe Axmed xaaji Dirir
220- Saleebaan Faarax Cige
221-Maxmed Aadan Xaaji Muuse
222- Maxamed Cawil Yuusuf
223-C/kariim Cawil Yuusuf
224- Saleebaan Jaamac Faarax
225- Mubaarik Jaamac Ibraahim
226-Cabdiqani Yuusuf Caateeye
227- Faysal Maxamed Xirsi
228-Maxamed Xasan Cabdi
229- C/laahi Xasan Cabdi
230-Xamse Jaamac Cashuur
231-Maxamed Cabdi Aadan
232-Jaamac Faarax Bulaale
233-Diiriye Maxamuud Olol
234- C/casiis Amed Olol
235- Cali Cismaan Dirir
236- C/kariim Cismaan Dirir
237-Fahad Saleebaan Dhawdhawle
238-Maxamuud Janaale Xaaji Cali
239- Saleebaan Ismaaciil Jaamac
240- Saleebaan Axmed Ducaale
241- Muuse Axmed Ducaale
242- Saleebaan Cabdi Axmed