فَلاَ وَرَبِّكَ لاَ يُؤْمِنُونَ حَتَّىَ يُحَكِّمُوكَ فِيمَا شَجَرَ بَيْنَهُمْ ثُمَّ لاَ يَجِدُواْ فِي أَنفُسِهِمْ حَرَجًا مِّمَّا قَضَيْتَ وَيُسَلِّمُواْ تَسْلِيمًا
Home |  News |  Articles |  Gallery |  Archives |  Contact
Categories
Members
Search


Advanced Search


Most recent entries


||| |||





Poll


image
Statistics
Total Visitors

Total Entries: 95
Total guests: 5
Total anonymous users: 0
Most Recent Visitor on: 12/04/2008 12:33 am



News
Saturday, September 20, 2008
Alla qabey Afkana waa yaqaan waana ka Agnaan! Jawaab ku socota Xoghayaha UDUD.


Cabdikariim Axmed (Xinnif)



Dorraad ayuu Bullaale (xog-hayaha guud ee UDUB shir jaraa’id ku qabtay xafiiska xisbiga ee Hargeysa. Maxaa laga filaa masuulka hay’ad u sarreeyaa markuu masraxa hadalka u baxayo.
Haddiise wixii laga filayey laga waayo maxaa loo yaqaannaa.
Waxa ka mid ah waxyaalaha laga sugi karo.
inuu dadka gaadhsiiyo wax ku cusub hay’adda uu madaxda ka yahay.
inuu sheego wax horu mar ah oo hay’addaasi samaysay
inuu sheego dib u dhac ku yimi hay’ddaa isagoo baraarujinaya.
inuu sheego talooyin ballaadhan oo uu hay’addiisa gaadhsiinayo ama uu cid kaleba gaadhsiinayo, taasoo uu u arko inay wax tar u tahay cidda uu la talinayo.
inuu sheegayo wax sidii loogu talo galay si aan ahayn loo maamulay oo uu toosinayo
su’aalo la rabo inuu ka jawaabo oo kaga yimaadda bulshada ama saxaafadda
wax si khaldan hay’addaa looga sheegay oo uu saxayo
iyo waxyaalo kale oo saaxada uu ka hadlayo macno ka dhex samaynay.
Masuulku wuxuu ka hadlaa wax saamayn bulshada ku leh, qofka caadiga ahina waxa uu ka hadlaa aragtidiisa oo la qumanaata.
Masuulku hadlakiisa intaanu odhan dhnacyo badan ayuu ka eegaa, talooyina ka qaataa, lala rogrogaa dabadeedna uu ku hadlaa.
Wuxuu eegaa taariikhihii hore si aanay waxa uu ceebaynayaa u noqon wax hore u dhacay oo la qaatay ama saxan oo uu si khaldan u fahmay.
Haddaba Bullaale hadalye intaas oo ujeeddo keebuu hadalkiisu waafaqsanaa?
Waxa uu doonayey inuu ka jawaabo hadal ka soo baxay hoggaan xisbi isagoo hoggaan xisbi ah, waxa ay ku wanaagsanayd inuu u jawaabo xisbiga la hadlay ee aanay jawaabtiisu u taraarin meelo kale oo aan hadalka shaqo ku lahayn waa hadduu yahay xakiim eray yaqaan ah oo aanu ahayn agnaan ay ku qabsatay ama awood ka sarraysaa ku ijbaartey inuu wuxuun yidhaahdo oo aanu ikhtiyaar u lahayn inuu dareenkiisa saxda ah sheego.
Haddaba hoggaanka Kulmiye waxa hadalkiisu waafaqsanaa qodobka lixaad iyo toddobaad ee qoraalkaygan ku xusan, kaas oo ahaa su’aal la weydiiyey oo taageerayaasha xisbigiisu weydiiyeen warbaahinta qaarkeedna qoreen oo ahaa Kulmiye Udub baa dhex-dhexaadinaysa.
Hoggaanku waxa uu yidhi maya nama dhexdhexaadinayaan caqligana ma gasho in Udub nasteex u tahay Kulmiye, taasi ma beenbaa? Miyayse sharafta kulmiye tahay, waxay ila tahay inay jawaabtu maya tahay.
Udubta Bullaale se ma u egtahay mid ka badbaadaysa khilaaf, ma fialayo weliba waxaan u malaynayaa inuu noqon karo mid aan dawo lahayn koodu.
Waxan ku metili karaa ta Udub Ku soo socota ee ifafaaleheedii soo muuqdo

(Qosol wuxuu ka joogaa
Qubanaha danbeeyee
Weli qaba hamuuntee
Buuraha qotada dheer
ka arkaaya qiiqee
qarka soo jafaayee)

Hadraawi hal la qalay.

Bullaale isagu wuxuu ka dhigan yahay sida loo diranayo ee marba godob aanu raalli ka ahayn loogu khasbayo inuu ku dhaanteeyo.

(Qarandidu libaaxay
Ku qadhaabataayoo
Soo qabo tidhaahdaa
Qaankiyo biciidkoo
Qaybtana shan laabbay
Qoondaysataayoo
Isagana qorshaha guud
Qanjidhkiyo xumaystay
Ha qawedin tidhaahdaa
Aarkuna ma quustoo
Ma qarsado xanuunkee
Hadba qarb jabkiisuu
Qiirada xusuustaa
Kolba dibin qaniinaa)

Hadraawi Hal la qalay

Garo’oo Bullaale inta Udubta iyo Xukuumadda wuu ku xantaa
Haddaba bullaale muxuu ku jawaabey, yuuse u jawaabey?
Marka hore weli maan arag Bullaale oo hadlaya oo aan cid sida baldawsarta bilaa laydhka ah u sii jiidhin. Weli maan arag isagoo ka hadlaya siyaasadda xisbigiisa oo aan cid dusha ka saarnayan
Weli maan arag isagoo maamulka dalka horumarkiisa ka hadlaya illaa dib u dhiciisu uma muuqanayo isaga oo loogama fadhiyee.
Weli maan arag Bullaale oo hadal uu soo qaaday aan Siilaanyo ku jirin iminka wax Kalaabu ku daray oo aan dib ka sheegi doonee.
Yaabku waxa weeye maxaa mar kasta oo uu Bullaale hadlayo Hadalkiisa Siilaanyo ugu daro.

Siilaanyo waxa uu ka hadlaa ama naqdiyaa waa nidaam ama waa siyaasad xisbi laakiin kama hadlo shakhsi gaar ah, haddii laga tegi waayo marka uu ka hadlayo ama dhaliilayo Hay’ad ama nidaam waxa uu sheegaa cidda masuuliyadda leh oo ah cidda Talada Hay’addaa leh.

Bullaale marka xisbiga Kulmiye masuul ka mid ahi uu ka hadlo nidaam qaloocan waxa uu jawaab ka dhigaa aflagaaddo shakhsi keli ah uu kula dul kufo. Haddaan u soo noqdo tan u danbaysa Bullaale waxa ay ahayd inuu sheego wixii ay Kulmiye ula tageen iyo wixii loogu jawaabey oo keliya iyo argtida uu ka qabo. Laakiin halkay iska soo geli karaan na dhex-dhexaaadun maysid iyo haddaa Siilaanyo Suldaannimo ayuu reerkiisa ka doontay anna waan ku taageeray!.

Horta Bullaale sowtii la lahaa waa xerta Timoweynta oo waxbuu diinta ka yaqaannaa, miyaanu ogayn Nebi Maxamed CSW inuu markuu diinta in lagu taageero rabey inuu marba qabiil u tegayey oo uu lahaa I taageera idinku oo I raaca oo hiilkiinna I siiya. Miyaanu ogayn in aanay xataa diintu ka maarmin in qabiil lagu meel mariyo Miyaanu ogayan in markii Nebiga CSW la ydhi halla dilo ee reekiisii maca gaaladoodii loo mari waayey, cunaqabatayn la saaray oo la yidhi hadday dhiibi waayeen yaan wax laga iibin, wax laga iibsan, laga guursan, loo guur doonaan intay sidaa yihiin oo uu ku badbaadey muddo saddex sannadood ahnay ay dhirta cunayeen. Intii Adeerkii Abii Daalib Noolaa yaa dhibaato kula dhici karayey. Haddaba ceeb maaha qabiilku ee ceebtu waa in six un oo laysku dulmiyo loo isticmaalo qabyaaladda. Ma lihi Siilaanyo qabyaalad buu u tegey Gar’adag laakiin talada iyo waxa laga shirayey ayaa waxyaalaha qaarkood aan looga maarmayn. Taasina ceeb maaha. Ta kale Bullaale maxaa u geeyey reer shiray shirkiisa inuu wax ka sheego ama dhaleeceeyo meeshaba laguma hayne.

Shirkaa wixii ka soo baxay waa la ogaa reerku dantiisa, aayihiisa, mustaqbalkiisa iyo horumarinta deegaankiisa ayuu ka shirayey, isagoo ku jira xayndaabka Somaliland oo aan cidna waxba yeelayn waana la ogaa.

Ceeb ayay ku tahay masuul qaran ama xisbi inuu ceebeeyo beel ama beelo danohooda gaarka ah ka tashanaya, waayo waxa jira wax beel walba gaar uga dhexeeya oo aanay beelaha kale la wadaagin, taas miyuu Bullaale beeninayaa, dhaqankana inuu wax ka yaqaanno ayaan u haystee.(Alla doori afka waa yaqaan waana ka agnaane).
Xagguu ka keenay shirku inuu burburay oo lagu kala dareeray, waxay u egtahay xanuun caloosha kaga jira isaga iyo siduu jeclaan lahaa, nasiib wanaag wayse noqon weydey.

Bullaale waxaan leeyahay marka hadalku meel joogo ha feedha dooxin, hana taraarin ee ku ekow inta macnaha kuu leh, malaa markuu kelmedaha qaar leeyahay qosolka iyo sacabka ayuu ku qasmaa. Waxa kugu filan inaad Baylahda xisbigaaga hoos u eegto oo aad iska gufayso, waa xisbiga keliya ee ilaa imminka diiwaan gelinta waqtigeedii taagan yahay laga la’yahay inuu shaqaalaha qaybtiisii keeno. Waxa kuu eg adiga inaad ku celceliso dhawrkan Beyt ee maansada Jiitama ku jira

(Maan dhabtayda faaqido
Dhubbad qaad la daba galo
Cidla maan iskula dhaxo
Horta oodo dhacameed
maan tilmaan ku gala dhigo
dhaliishaydu waa tuma
dhaymahaygu waa maxay)

Hadraawi Jiitama

Cabdikariim Axmed Maxamed (xinnif)

Posted by SomaliLand Future on 09/20 at 02:58 PM
News