| Home | News | Articles | Gallery | Archives | Contact |
|
Categories
Members Most recent entries ![]() |
||| | ||| |
Poll ![]() Statistics Total Visitors Total Entries: 95 Total guests: 5 Total anonymous users: 0 Most Recent Visitor on: 12/04/2008 12:33 am |
|
|
News Saturday, September 20, 2008 Alla qabey Afkana waa yaqaan waana ka Agnaan! Jawaab ku socota Xoghayaha UDUD.
Dorraad ayuu Bullaale (xog-hayaha guud ee UDUB shir jaraa’id ku qabtay xafiiska xisbiga ee Hargeysa. Maxaa laga filaa masuulka hay’ad u sarreeyaa markuu masraxa hadalka u baxayo.
(Qosol wuxuu ka joogaa
Hadraawi hal la qalay. Bullaale isagu wuxuu ka dhigan yahay sida loo diranayo ee marba godob aanu raalli ka ahayn loogu khasbayo inuu ku dhaanteeyo.
(Qarandidu libaaxay
Hadraawi Hal la qalay
Garo’oo Bullaale inta Udubta iyo Xukuumadda wuu ku xantaa
Siilaanyo waxa uu ka hadlaa ama naqdiyaa waa nidaam ama waa siyaasad xisbi laakiin kama hadlo shakhsi gaar ah, haddii laga tegi waayo marka uu ka hadlayo ama dhaliilayo Hay’ad ama nidaam waxa uu sheegaa cidda masuuliyadda leh oo ah cidda Talada Hay’addaa leh. Bullaale marka xisbiga Kulmiye masuul ka mid ahi uu ka hadlo nidaam qaloocan waxa uu jawaab ka dhigaa aflagaaddo shakhsi keli ah uu kula dul kufo. Haddaan u soo noqdo tan u danbaysa Bullaale waxa ay ahayd inuu sheego wixii ay Kulmiye ula tageen iyo wixii loogu jawaabey oo keliya iyo argtida uu ka qabo. Laakiin halkay iska soo geli karaan na dhex-dhexaaadun maysid iyo haddaa Siilaanyo Suldaannimo ayuu reerkiisa ka doontay anna waan ku taageeray!. Horta Bullaale sowtii la lahaa waa xerta Timoweynta oo waxbuu diinta ka yaqaannaa, miyaanu ogayn Nebi Maxamed CSW inuu markuu diinta in lagu taageero rabey inuu marba qabiil u tegayey oo uu lahaa I taageera idinku oo I raaca oo hiilkiinna I siiya. Miyaanu ogayn in aanay xataa diintu ka maarmin in qabiil lagu meel mariyo Miyaanu ogayan in markii Nebiga CSW la ydhi halla dilo ee reekiisii maca gaaladoodii loo mari waayey, cunaqabatayn la saaray oo la yidhi hadday dhiibi waayeen yaan wax laga iibin, wax laga iibsan, laga guursan, loo guur doonaan intay sidaa yihiin oo uu ku badbaadey muddo saddex sannadood ahnay ay dhirta cunayeen. Intii Adeerkii Abii Daalib Noolaa yaa dhibaato kula dhici karayey. Haddaba ceeb maaha qabiilku ee ceebtu waa in six un oo laysku dulmiyo loo isticmaalo qabyaaladda. Ma lihi Siilaanyo qabyaalad buu u tegey Gar’adag laakiin talada iyo waxa laga shirayey ayaa waxyaalaha qaarkood aan looga maarmayn. Taasina ceeb maaha. Ta kale Bullaale maxaa u geeyey reer shiray shirkiisa inuu wax ka sheego ama dhaleeceeyo meeshaba laguma hayne. Shirkaa wixii ka soo baxay waa la ogaa reerku dantiisa, aayihiisa, mustaqbalkiisa iyo horumarinta deegaankiisa ayuu ka shirayey, isagoo ku jira xayndaabka Somaliland oo aan cidna waxba yeelayn waana la ogaa.
Ceeb ayay ku tahay masuul qaran ama xisbi inuu ceebeeyo beel ama beelo danohooda gaarka ah ka tashanaya, waayo waxa jira wax beel walba gaar uga dhexeeya oo aanay beelaha kale la wadaagin, taas miyuu Bullaale beeninayaa, dhaqankana inuu wax ka yaqaanno ayaan u haystee.(Alla doori afka waa yaqaan waana ka agnaane).
Bullaale waxaan leeyahay marka hadalku meel joogo ha feedha dooxin, hana taraarin ee ku ekow inta macnaha kuu leh, malaa markuu kelmedaha qaar leeyahay qosolka iyo sacabka ayuu ku qasmaa. Waxa kugu filan inaad Baylahda xisbigaaga hoos u eegto oo aad iska gufayso, waa xisbiga keliya ee ilaa imminka diiwaan gelinta waqtigeedii taagan yahay laga la’yahay inuu shaqaalaha qaybtiisii keeno. Waxa kuu eg adiga inaad ku celceliso dhawrkan Beyt ee maansada Jiitama ku jira
(Maan dhabtayda faaqido
Hadraawi Jiitama Cabdikariim Axmed Maxamed (xinnif) |