News
Monday, October 20, 2008
1959 Qoys oo Danyar ah oo Maanta la Gudoonsiiyay Agab isugu Jira Bacaha Guryaha iyo Cawooyin
Wasiirka wasaarada Dib u dejinta jamhuuriyada Somaliland Mudane Maxamed Yuusuf
Cismaan ayaa Maanta u Qaybiyey 1952Qoys oo Danyar ah Agab Isugu Jira Bacaha Guryaha
Dusha laga Saaro Iyo Caawaha La Goglado oo ay ugu deeqday Hay’adda UNHCR dadweynaha
ku Nool Xaafadaha Maxamed Mooge, Axmed Dhagax, Sheekh Nuur, Koodbuur iyo Xafada
Ayaxa ee Caasimada Hargeysa.
Wasiirka oo ka hadlaya deeqdan ayaa sheegey in ay baahida dadkeenu ay intaasi ka
badan tahay Hase ahaatee waxa uu xusay in Tani ay ka mid tahay dedaalka dawlada
ahaan ay ugu jiraan dadkoda sidii ay baahidooda wax uga qaban lahaayeen xukumad
ahaan intii karaankooda ah waayo baahida dadka illahay ayuun baa dhamaysatiri kara.
Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay wasiir kuxigeenka Dib uDejinta mudane
C/xakiin Garaad Maxamuud oo sheegey in ay xukumad ahaan sii kordhinayeen
dadaalkooda, ay ugu jiraan dadkooda sidii ay wax uga qaban laahaayeen .
Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay Agaasimaha waaxda Dib u Dhiska iyo dib u
habaynta ee wasaarada Dib udejinta Mudane Maxamed Xuseen Jaamac, iyo Ibraahim Jirde
Shabeel oo ka socday Hay’adda UNHCR iyo Masuuliyiin ka socoda NGOyada ay wasaaradu
ku wareejisey qaybinta deeqdan iyagoo balaan qaaday inay si fiican u qaybin
doonaan..
Wariye Mohamed Mussa inji
Hargeysa
Somaliland
Email:
|