| Home | News | Articles | Gallery | Archives | Contact |
|
Categories
Members Most recent entries ![]() |
||| | ||| |
Poll ![]() Statistics Total Visitors Total Entries: 208 Total guests: 16 Total anonymous users: 0 Most Recent Visitor on: 03/12/2010 04:12 am |
|
|
News Saturday, February 06, 2010 110-Arday iyo 60-Jir ka Qalin Jebiyey Jaamacadda Burco Boqol iyo Toban arday iyo Nin Lixdan jir, ayaa shalay ka qalin jebiyey Jaamacadda Magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer. Guddoomiye-ku-xigeenka Gobolka Togdheer Guuleed Daahir Samatar, oo isagu Shahaadooyinka Guddoonsiiyay 110 arday oo ka qalin jabiyay Jaamacada Magaalada Burco, kuwaasi oo dhamaysatay Culuunta Farsamada Kumbuyuutarada ee IT-ga iyo luuqada Ingiriisiga oo baranaayay muddo sanad iyo badh ah, ayaa munaasibad balaadhan oo loo sameeyay qalin jabintooda ka soo qayb galeen maamulka Jaamacada, masuuliyiin ka tirsan wasaarada waxbarashada gobolka Togdheer iyo waalidiin ayaa lagu qabtay hoolka shirarka Jaamacada Burco. Ku simaha Goddoomiyaha Gobolka Togdheer Md. Guuleed Daahir Samatar oo xafladaa ka hadlay ayaa ka warbixiyay faa’iidada ay leedahay waxbarashadu, waxaanu yidhi “Aduunka waxa ugu qaalisan ee la bartaa waa Cilmiga waxa ugu xun ee laga cararaana waa jabhliga, sidaa awgeed waxa la idiinka baahan yahay ardaydiina dhamaysatay koorasyada waxbarasho ee kala duwan sidii la idiinku tabcay in aad aqoontiina ugu faa’iidaysaan dadkiina oo aad noqotaan kuwo dalkooda iyo dadkoodaba anfaca”. Waxa kale oo uu Md. Guuleed ka hadlay tahriibta iyo shaqo la’aanta ka jirta gobolka Togdheer, waxa uu yidhi: “Waynu ka warhaynaa iyadoo ay shaqooyinka Gobolka ka jiraa ay yar yihiin in haddana ay jiraan dad dhalinyarada ku wacyigaliya in ay Tahriibaan. Dadka arimaha noocaas ah wada waxa la idiinka baahan yahay haddii aad tihiin ardayda iyo waalidiinta in aad la dagaalantaan. Shaqo la’aanta gobolka ka jirtana waxaan leeyahay Shirkadaha Burco ka shaqeeya si loola dagaalamo shaqo la’aanta ardayda dalka gudihiisa wax ku baratay shaqaalaysiiya, oo naga joojiya kuwa debeda wax ku bartay ee aad shaqaalaynaysaan annagu Dawlad ahaan wixii awoodayada ah ee aanu ku yarayn karo waanu qabanaynaa. Guddoomiyaha Jaamacada Burco Prof. Cabdiraxmaan Jaamac Ducaale oo isna ka hadlay munaasibadaa ayaa ka warbixiyay mustaqbalka soo socda waxyaabaha ay Jaamacadu hiigsanayso, iyo dadaalka ay ugu jiraan sidii ay markasta sare ugu qaadi lahaayeen tayada Jaamacada. Waxaanu Cabdiraxmaan sheegay in ay Jaamacada ku soo kordhinayaan Macalimiin cusub oo ay debeda ka keenayaan iyo Koorasyo cusub oo waxbarasho. Dhinaca kale, ardaydan ka qalin jabisay maanta Jaamacada Burco oo tiradoodu ahayd Boqol iyo Toban Qof, ayaa waxa ka mid ahaa Oday Lixdan Jir ah oo ka qalin jabiyay Jaamacada, kaas oo soo jiitay Indhaha dadkii xaflada ka soo qayb galay, isla markaana noqonaayay ninkii ugu da’da weynaa ee ka qalin jabiya Jaamacada Burco. Ugu dambeyntii xafladan qalin jabinta Jaamacada Burco ayaa si weyn loo adkeeyay amaankeeda isla markaana waxa gabi ahaanba la baadhaayay dadka xaflada ka qayb galayay si amaanka loo sugo. Xigasho: Wargeyska Yool |